4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Galmudug oo gacanta ku dhigtay 20 kalluumaysato ajaanib ah oo horey Shabaab ugu afduubnaa
 

Axad, November, 27, 2022 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 20 kalluumaysato ah oo u dhashay dalalka Pakistan iyo Iran, kuwaas oo horey looga qafaashay xeebaha Soomaaliya dhowr sano kahor.

Sida aan kasoo xiganay masuuliyiin katirsan Galmudug, Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa la sheegay in ay soo daayeen.

Lama garanayo qaabka lagusoo sii daayay, balse waxaa la sheegay in ciidamada Galmudug ay xalay ka qabteen kalluumaysatadan inta u dhaxaysa magaalooyinka Hobyo iyo Xaradheere .

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacan gelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur.