4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Dowladda federalka iyo Jubbaland oo kawada hadlay dagaalka Shabaab looga xoreynayo Jubbaland
 

Axad, November, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay wasiirka gaashandhigga dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Gen Odowaa.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa diirradda lagu saaray dardargelinta dagaalka Al-Shabaab oo la filayo in maalmaha soo socda uu ka bilowdo deegaanada Jubbaland, si AlShabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa isla meel dhigay ahmiyadda ay leedahay in dalka laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa ballanqaaday in maamulka Jubbaland dhankiisa uu diyaar u yahay gulufka dagaal ee dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha Alshabaab aad ugu xooggan yihiin, waana meeesha kaliya ee Alshabaab ay gacanta ku hayaan gobol dhan oo jubbada dhexe ah.