4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Midowga Afrika oo qiimeyn ku sameynaya saraakiil Booliis ah oo la geyn doono Soomaaliya
 

Axad, November, 27, 2022 (HOL) - Saraakiisha ururka Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Adis-ababa ee Ethiopia ayaa qiimeyn ku sameynaya saraakiil Booliis ah oo la geyn doono howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

In ka badan 400 oo Boolis ah oo ka socda Ciidanka Booliska Uganda ayaa la qorsheeyay in la geeyo gudaha Soomaaliya todobaadkan, iyagoo halkaas ku sugnaan doona illaa muddo sanad ah.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa arbacadii lasoo dhaafay sheegay in ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay dib u dhigto waqtiga bixida howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in la dhimo tirada ciidamada ATMIS islamarkaana ugu yaraan sannadkan dib loo celiyo labo kun oo askari.

In ka badan 20,000 askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo dalka u jooga howlaha nabad ilaalinta, balse waxaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dagaalka ay dowladda kula jiro ururka Alshabaab.