4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 100 Shabaab ah in lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada dhexe
 


Sabti, November, 26, 2022 (HOL) -Duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday degaanka Ceel-dheere ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa lagu dilay in ka badan 100 katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo goor dhowayd shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan uu dhacay xalay, kadib markii laamaha amnigu ogaadeen goob ay Shabaab isku abaabulayeen si ay u qaadaan weerar.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay in 10 horjooge oo katirsan Alshabaab lagu dilay duqayntan oo uu sheegay inay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamka.

Alcaddaala wuxuu sheegay in duqeynta ay bar-bar socotay howlgal qorsheeysan oo ay  Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamadda Degaanka ku burburiyeen saldhigyo Shabaab ku lahaayeen Ceel dheere.

“Howlgalka kadib waxay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka si buuxda ula wareegeen Ceel Dheere oo marin istaraatiijiya u ahaa Khawaarijta Alshabaab, oo ay ka abaabulayeen weeraro ay doonayeen inay ku qaadaan deegaannada laga xoreeyay,”ayuu yidhi wasiir Caddaala.

Wuxuu sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabo Xasan Nuur oo Shabaab u qaabilsanaa Shabeellada dhex iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Cabdiqaadir, kaas oo Shabaab u qaabilsanaa jabhadaha.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii shalay Alshabaab ay weerareen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgalgaduud, halkaas oo Shabaaabku sheegeen inay ku dileen 49 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Balse dowladda Soomaaliya ayaa beenisay sheegashadaas.