4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Xisbiga UCID oo ka jawaabay sharciyadii uu Kulmiye sheegay in uu kala noqday mucaaradka
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaland ee UCID, ayaa waxan suuragal ahayn ku tilmaamay sharciyadii shalay golaha fulinta ee xisbiga Kulmiye sheegeen in ay kala noqdeen xisbiyada mucaaradka.

Afhayeenka xisbiga Maxamed Axmed Billaal, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aanu jirin xisbi awood u leh in uu xisbi kale sharciyada kala noqdo.

"Shalay waxa guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye kasoo baxay hadal odhanaya xuquuq malaha labada xisbi ee mucaaradka ahi, taasi oo ay tahay macnaheedu in xisbiga Kulmiye uu bilaabay fowdo" ayuu yidhi Billaal.

Waxa uu sheegay in hadii cidi cid sharciyad kala noqon karto ay labada xisbi mucaarad aqlabiyadii yihiin "Hadii cidi cid eegayso labada xisbi ayaa majooratigii ah, oo haysta aqlabiyadii waddanka, xisbina xisbi kama qaadi karo xuquuq sharci oo uu leeyahay".

Shir uu guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo guddida fulinta xisbiga Kulmiye yeesheen, ayaa lagu sheegay in Kulmiye sharciyadii kala noqday mucaaradka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]