4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo dhoweeyay baaqa shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee uu shalay ku baaqay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu isagoo tixgalinaya danaha Koonfur Galbeed uu aqbalay baaqa guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu sheegay inuu soo gudbindoono waqtiga uu shirku furmidoono.

Doorashadii xildhibaannada labada aqal iyo qalaalasihii ka dhashay doorashadii uu ku yimid madaxweyne Lafta Gareen, ayaa Koonfur Galbeed dhaxal siisay kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn.

Lafta Gareen ayaa siyaasiyiin muddo dheer ku fadhiyay kuraasta barlamaanka aqalka hoose, meesha ka saaray, isagoo kusoo beddelay wajiyo ku cusub siyaasada.

Taas waxay keentay in maamulku uu yeesho mucaarad xooggan oo ku doodaya in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dhacdo December sannadkan, halka barlamaanka Koonfur galbeed uu hal sano u kordhiyay madaxweyene Lafta Gareen.