4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safaro ku tagay deegaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa Xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xasan ayaa kulamo looga hadlaayay dardargelinta dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab madaxtooyada maamulka Galmudug kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ku xigeenkiisa iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Shalay ka hadlaayay fagaareyaal ku yaala Maxaas, Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan Hiiraan  Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu ay iska dulqaadeen kooxda Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta la filayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaro magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaaso lagu wado inuu kulamo kula qaato madaxda maamulka Hirshabeelle oo shalay qaarkood gaaray Baledweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baledweyne.