4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2022
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Garowe
 

Arbaco, November, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maalinta berri ah safarkiisii ugu horreeyay isagoo guddoomiye barlamaan ah ku tagidoona magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Lama oga ujeeddada safarka guddoomiye Aadan Madoobe ee magaalada Garowe, hase ahaatee barlamaanka maamulka Puntland oo haatan ku guda jira kalfadhigoodii 51-aad ayaa casuumaad u sameeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Shantii sano ee ugu dambeysay ma wanaagsanayn xiriirka barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya iyo midka maamulka Puntland, taasoo sabab u ahayd khilaafyadii siyaasadeed ee Puntland iyo dowladda hore ee Soomaaliya.

Sannadkii hore ee 2021, barlamaanka Puntland ayaa diiday xeerarkii doorashooyinka, iyo matalaada gobolka gobolka Banaadir, kuwaas oo uu barlamaanka Soomaaliya meel mariyay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la filayaa uu ka qeyb galo fadhiyada barlamaanka Puntland, ayna xildhibaannadu wax ka weydiin doonaan xeerarka iyo sharuucda barlamaanka horey u meel mariyay.