4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2022
Koox looga shakisan yahay Al-shabaab oo gudaha Kenya ka afduubtay shaqaale Caafimaad
 

Arbaco, November, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya xaduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi kooxo hubeysan ay ku afduubteen Shaqaale Caafimaad oo la socday gaari nooca gargarka deg dega ah ee Ambulance.

Sarkaal ka tirsan Booliiska dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku raad joogaan koox uu ku sheegay in ay ku tuhmayaan iney ka mid yihiin Ururka Al-shabaab.

Shaqaalaha Caafimaad ee la afduubtay ayaa lasoo wariyay iney gaariga Ambulance- ka ay ku wadeen bukaan ay damacsanayeen in lagu daweeyo Isbitaalka Ceelwaaq, hayeshee kooxdaan afduubatay ay jidka u galeen sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Booliiska Saldhigga Lafey ee magaalada Mandheera.

Booliiska dalka Kenya waxay sidoo kale sheegeen in shaqaalaha la afduubtay iyo gaarigii ay sarnayeen lala aaday dhanka gudaha Soomaaliya, hayeshee maysan soo bandhigin cadeymo dhana oo muujijaya arintaasi.

Gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa inta badan ka dhaca weeraro jidgal ah oo ay dagaalyahanada shabaab la beegaadaan ciidamada Kenya xiliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka gobolkaasi iyo waliba weeraro toos ah.