4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambo baxay safar uu ku kormeerayo deegaannadii laga xoreeyay Alshabaab
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa warbixinno ku saabsan guulaha iyo abaabulka dagaalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, ka dhagaysan doona talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur-geli doona xaaladda ka jirta deegaannada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, halkaas oo laga soo sheegayo xaalad adag oo nololeed oo soo food saartay dadkii ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli uu maalmahan hakad ku yimid howlgalladii Shabaab looga xoreynayay Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo Alshabaab ay dib ula wareegeen qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay sida Wabxo.

Dhowaan, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inaysan jirin meel looga noqdo dagaalka Alshabaab, isagoo hoosta ka xariiqay inuu dagaalku soconaya illaa Shabaaab laga ciribtiro guud ahaan dalka.