4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2022
Ganacsatada Xoolaha ee Muqdisho oo sheegay in Alshabaab canshuurta uga qaadaan meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya
 

Khamiis, November, 17, 2022 (HOL) - Ganacsatada xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay Alshabaab weli ka qaadaan lacago baad ah oo ay ugu yeereen sakaawaad iyo canshuur.

Qaar kamid ah ganacsatadan oo la hadlay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay in Alshabaab lacagahan uga qaadaan meel aan ka fogayn aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyo suuqa bakaaraha.

Ganacsatadu waxay sheegeen inaysan waxba iska beddelin lacagihii laga qaadi jiray tan iyo markii dowladdu ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo kooxda Alshabaab.

Waxay sheegeen xoolaha markii laga dhoofinayo dekedaha Boosaaso iyo Berbera in canshuur looga qaado bar kantarool oo Alshabaab ku leeyihiin deegaanka Buqda oo 40km u jira magaalada Buulo Burde.

Waxay ku eedeeyeen dallada dhoofinta xoolaha inay Alshabaab kula heshiisay ciddii aan warqad ka wadinin dalladooda in aysan xoolo ka dhoofin karin dalka.

Dhinaca kale dallada dhoofinta xoolaha ayaa beenisay eedda loosoo jeediyay, waxayna sheegeen in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo Alshabaab. Waxay kaloo beeniyeen in Alshabaab ay lacago siiyaan.

Sanado ka hor ayay ahayd markii dowladda ay kala dirtay dalladii gaadiidleyda Soomaaliya, kadib markii uu soo galay tuhun la xiriira inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.