4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Wasaaradaha isgaarsiinta iyo teknooloojiyada dowlad goboleedyada oo xiriirka u jaray wasaaradda isgaarsiinta dowladda federalka
 

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dowladda goboleedyada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta iyo Technologiyada Soomaaliya.

Wasaaradaha Dowlad goboleedyada waxay ku eedeeyeen wasaaradda isgaarsiinta iyo teknooloojiyada inay musuq maasuqday mashruuc World Bank uu ku bixinayo 80 milyan oo dollar oo loogu talo galay dhismaha iyo horumarinta wasaaradaha isgaarsiinta maamul goboleedyada.

Waxay sheegeen wasaaraddu inay shaqaalaheeda iyo dad kaloo gaar ah ku qoratay howl wadeennada ka faaidaysanaya mashruucaan. Waxay kaloo sheegeen inay dhegaha ka furaysatay baaqyo ay u direen.

Waxay madaxda dowladda federalka ugu baaqeen inay soo faragaliyaan mashruucan si ay dowlad goboleedyadu xaquuqdooda u helaan.