4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka wada hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo labadiisa ku xigeen Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi Cali Xersi Timacade ayaa Maanta xarunta Golaha Aqalka sare ku qaabilay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu horeyn guddoonka Aqalka sare uga warbixiyay, halka ay marayaan howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, isagoona sidoo kae sheegay iney muhiim tahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo saf balaaran laga dhigo si culeyska dagaalka uusan hal meel u fuulin.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahadceliyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan kaalinta muuqata ee uu ka qaatay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee haatan kusii fidiya guud ahaan gobolada dalka.

Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha gobalka Hiiraan oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa horay warbaahinta ugu sheegay inuu Muqdisho u yimid howlo shaqo oo ku aadan dardargalinta iyo wax ka badalka dagaalada ka dhanka ah Ururka al-shabaab, isagoona horay kulan noocaan oo kale ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.