4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Shirkadda Somlink Telecom oo ku guulaysatay abaalmarinta shirkadda ugu wanaagsan adeeg bixinta internetka


Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Shirkadda Somlink Telecom oo kamid ah shirkadaha bixiya adeegga internetka, ayaa ku guulaysatay Abaalmarinta shirkadda ugu wanaagsan ee bixisa adeegga internet-ka ee sannadkan 2022.

Hay’adda Somaali business Award, oo sanad walba qabata abaalmarinta ganacsiyada ugu waanaagsan magaalada Muqdisho, ayaa abaalmarintaan ku guddoonsiisay xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

SomLink Telecom oo la aas aasay 2013, waxay noqotay shirkadaha safka hore uga jira adeeg bixinta internetka sida ay sheegtay Somali Business Award oo markii labaad abaal marintan guddoonsiisay SomLink.

Maxamed Cumar Cusmaan, oo ah madaxa ganacsiga iyo iibka shirkadda SomLink Telecom, ayaa soo dhoweeyay abaalmarinta la guddoonsiiyay shirkaddooda, wuxuuna sheegay in shirkadoodu ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee bixisa adeegga internetka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic.

Wuxuu sheegay abaalmarintan inay ka turjumayso sida ay shirkadda SomLink Telecom ugu guulaystay ka jawaabidda baahiyaha bulshada ee dhinaca internetka.