4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Donald Trump oo markale u tartamaya doorashada madaxweynaha Mareykanka

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay talaadadii xalay inuu markii laabad u tartami doono madaxtinimada xisbiga Jamhuuriga, sanadka 2024-ka.

“Si aan Ameerika mar kale uga dhigo mid weyn oo sharaf leh, waxaan caawa ku dhawaaqayaa in aan u tartamayo madaxweynaha Maraykanka, ayuu Trump u sheegay dad isugu soo baxay Mar-a-Lago, halkaas oo ololihiisa xarun u noqon doonta.

Go'aanka Trump ee musharaxnimadiisa ka hor doorashada 2022, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo uu wajahayo baaritaanno dambiyo oo ay ku jiraan baaritaanka boqolaal dukumeenti oo sir ah oo ay FBI-du ka qabatay iyo baaritaanno heer gobol iyo federaal ah oo socda oo ku saabsan dadaalkiisii ku aaddanaa inuu meesha ka saaro natiijada doorashadii madaxweyneynimo ee 2020.

Inkastoo Trump uu ka hor hadlay dad gaaraya dhowr boqol, waxaa xusid mudan in la la'yahay dad badan oo muddo dheer taageersanaa oo ay ka mid yihiin maareeyayaashii hore ee ololaha doorashada, kaaliyayaashiisii iyo gabadhiisa Ivan, oo sheegtay in aysan qorsheysnayn in ay ku lug yeelato ololaha doorasho ee Aabbaheed.

Donald Trump, ayaa looga adkaaday doorashadii 2020, kadib afar sano oo uu aqalka cad fadhiyay.

Waxaa aad loogu dhaleeceeyaa inuu Maraykanka galiyay kala qeybsananaan weyn, islamarkaana uu ku fashilmay inuu maareeyo caabuqa Covid19 oo Maraykanka ka dilay in ka badan nus milyan dad ah.