4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Qaramada Midoobay oo ka digtay in nus milyan carruur ah nafaqo darro awgeed ugu dhintaan Soomaaliya

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya macluul daran oo dhanka gaajada ah oo ka taagan gudaha Soomaaliya, oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.

Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in nus milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jiraan inay dhintaan bartamaha sanadka soo socda

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay Soomaaliya u baahan tahay $1 bilyan oo doollar oo gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah.

Ku dhawaad kala bar dadka ku nool Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay gaajo daran.

In ka badan 5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shanta sano ayay Qaramada Midoobay sheegtay inay hayso nafaqo-darro ba'an.

Xaaladda amni ee Soomaaliya, oo kooxda al-Shabaab ay ku leedahay saamayn weyn oo xannibaysa hawlaha bini'aadantinimada, ayaa qayb ka ah masiibadan sida ay sheegtay QM.

Sahan la sameeyay 2020 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka labaad ee ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada adduunka.