4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 16, 2022
Abiyi Axmed oo ballan qaaday in si daacadnimo ah u hirgalinayo heshiiskii ay dhawaan dowladdisu la gashay TPLF
 

Arbaco, November, 16, 2022 (HOL) - Ra'iisal Wasaaaraha Itoobiya Abyi Axmed ayaa kulan uu la qaatay baarlamaanka Itoobiya maalinimadii shalay waxa uu sheegay in uu hirgalinayo heshiiskii ay dowladdiisu maalmo ka hor la gashay TPLF.

Abiyi Axmed ayaa sidoo kale baarlamaanka dalkaasi u sheegay inaysan wakhti xaadirkan haboonayn in laga hadlo arrimaha khilaafku ka jiro ee galbeedka gobolka Tigray, halkaas oo Ciidamada gobolka Axmaaradu ay qabsadeen billowgii dagaalka u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Sidoo kale Ra'iisal Wasaare Abyi Axmed waxa uu sheegay inay waajib tahay in dadka Tigreeggu mar kale dib usoo celiyaan dib u dhiska noloshooda, isagoo xusay in dadka ku dhaqan gobolka Tigray ay mar walba yihiin dad raba inay si nabad ah ku noolaadaan, wakhti xaadirkana u baahan in la gaarsiiyo cunto iyo waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah waa siduu hadalka u dhigay Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.

Waxa kale oo uu sheegay in dhinaca dowladdiisu ay aad usoo dhaweynayso inay shacabka gobolka Tigray helaan Nabad buuxda, isla markaana dhibaca dowladdiisu ay ka go'an tahay inay sii wado nabadeynta gobolka Tigray.

Dhinaca kale tan iyo intii heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo TPLF waxaa markii u horreeyay magaalada Maqale gaarey labo gawaari xamuul ah oo sida gargaar isugu jira daawo iyo agab kale oo ay keentay Hay'adda Laanqeyrta cas ee caalamiga ah, iyadoo hay'addu ay sheegtay in gargaarkan ay filayso in la gaarsiiyo goobaha usii daran ee ay baahiyaha caafimaad ka jiraan ee gobolka Tigray, waxayna xuseen hay'addu inay sii wadayaan gargaarka kala duwan ee loo fidinayo shacabka gobolka Tigray ee ay saameeyeen dagaalladu.

Tan iyo intii ay labada dhinac heshiiska ku kala saxiixdeen dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya waxaa si buuxda u istaagay dagaalkii mudada labada sano ka socday gobolka Tigray, inkastoo wali aysan dhaqan galin qodobadii kale ee heshiiska ku jiray haddana dadka Tigray waxay rabaan inay helaan waxyaabaha kale ee nolosha aasaasiga u ah sida Korontada, Biyaha, Isgaarsiinta oo dhammaantood ka maqan gobolka Tigray intii ay socdeen dagaalladu.