4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2022
Xukuumada Somaliland oo la hadashay beesha caalamka, mucaaradka iyo shacabka
 

Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beesha caalamka u sheegtay in doorashooyinku ku dhacayaan wakhtigii guddida doorashooyinku dajisay, iyado xisbiyadana ugu baaqday in ay sharciga raacaan.

Warsaxafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa beesha caalamka loogu sheegay in nabadgalyada Somaliland tahay mid shacabku dhaliyeen oo lama taabtaan ah, in xuquuqda doorasho ee muwaadiniintu muhiimtahay iyo in xukuumada Kulmiye tahay mid sharci ah.

"Dowlada Somaliland waxay markale beesha caalamka u sheegaysa in nabadgalyadeedutahay mid shacbiga ka timid oo lama taabtaan ah, ugu dambayntiina xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinteenu waa muhiim, intaa waxa dheer, waxa muhiima in la xasuusnaado in dowlada hada joogta lagu soo doortay doorashooyin xor oo xalaala".

Waxa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go'antahay in dhamaan doorashooyinku ku dhacaan wakhtigii ay guddida doorashooyinku dajisay.

"Sidii kasoo baxday shirkii ugu danbeeyay ee golaha wasiirada, dowlada Jamhuuriyada Somaliland  waxay ku dhagantahay dhamaan jadwaladii ay dajisay guddida doorashooyinka qaranku".

Waxa kale oo lagu yidhi "Dowladu waxay ku boorinaysa xisbiyada mucaaradka in ay raacaan sharciga, dastuurka iyo nidaamka doorashada, ayna ka waantoobaan ficil kasta oo keeni kara qas siyaasadeed iyo daganaansho la'aan, tani waxay xagal daacin doontaa dadaaladii dimuquraadiyadeed ee mudada dheer lasoo waday, iyo dhisitaankii hay'addaha qaranka".

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay "Ugu danbayntii, dowlada Jamhuuriyada Somaliland, waxay ku boorinaysa, dhamaan muwaadiniinteeda sharciga u hogaansan, in ay la shaqeeyaan hay'addaha sharci fulinta, si loo ilaaliyo nabadgalyada qiimaha badan ku fadhida ee qaranka".


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]