4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2022
Xukuumada Somaliland oo markale xisbiga WADDANI ku eedaysay ciidamo sharci daro ah
 

Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa markale Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku eedaysay in uu gurigiisa ku haysto ciidan beeleed.

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Guryaynta iyo Dhulka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo waraysi gaar ah siiyay MMTV, ayaa musharax Cirro ku eedeeyay in uu haysto ciidan aan diwaangashanayn.

"Maanta Cirro dhowr iyo soddon qof oo aan ciidanka qaranka ahayn, oo jufadiisa ah ayuu ku haystaa gurigiisa dowladuna way ogtahay, gurigiisa hadad tagto ciidankaba kama tirsana waxa uu gurigiisa ku haystaa" ayuu yidhi Wasiir Abokor.

Abokor oo la waydiiyay sababta ay xukuumada talaabo uga qaadi wayday Cirro hadiiba uu haysto ciidan sharci daro ah, ayaa ku jawaabay in ay wakhtigeeda la sugayaan.

"Waxa weeyaan in duruufta jirta la eego, maanta ninkaasi wuxuu diyaar u yahay in Somaliland dunto, anagu Somaliland hacantayada ku dumin mayno, waxkastaaba waxay u baahanyihiin in wakhtigeeda laga falceliyo" ayuu yidhi Wasiir Abokor.

Xukuumada Somaliland ayaa isla sannadkan gudihiisa Cirro u jeedisay eedaymo la xidhiidha in uu haysto ciidamo sharci daro ah iyo in uu gacan saar la leeyahay kooxo argagixiso ah.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]