4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 15, 2022
Odayaal dhaqameed ku baxay xal u helista dagaal beeleed ka dhacay deegaano hoostaga degmada Cadalle
 

Talaado, November, 15, 2022 (HOL) - Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo deegaano hoostaga maalmahii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa waxaa gaaray Odayaal dhaqameed, Saraakiil ciidan iyo qeybo ka mid bulshada kasoo jeeda deegaanadaasi, kuwaas oo bilaawday wadahadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad soo laab laabtay.

Odayaasha iyo waxgaradka gaaray degmada Cadalle waxaa hoggaaminayo Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo bilaabay kulamo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada dagaalamay, islamarkaana ku guuleystay in xabad joojin lakala dhexdhigo.

Dagaalada ka dhacay deegaanka Geelgub oo hoostaga degmada Cadalle ayaa sababay in dadkii ku noola deegaankaasi ay dhamaantood isaga barakaceen, iyadoo dhamaan guryahii ku yaalay deegaankaasi la gubay.

Dagaal Beeleedka ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac farabadan waxaana dhimashada inta la xaqiijiyay ay ka badan 30 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan.

Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa horay baaqyo kala duwan u jeediyay labada Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.