4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2022
Haweeney Suuriyaan ah oo la sheegay inay ka dambeysay qaraxii Istanbul
 

Isniin, November, 14, 2022 (HOL) - Booliiska Turkiga ayaa xiray haweeney ay mas’uuliyiintu rumeysan yihiin inay dhigtay qaraxii shalay ka dhacay Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu oo la hadlay Anadalu.

Lix qof ayaa ku dhintay 81 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay waddada mashquulka badan ee Istiklal Avenue ee badhtamaha magaalada Istanbuul, qaraxaas oo uu madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ku tilmaamay weerar argagixiso.

Ugu yaraan 46 qof ayaa loo xiray falkan, waxaana ku jirta haweeney kasoo muuqatay warbaahinta, taasoo la sheegay in muuqaalkeeda laga helay kaamirooyinka ku xirnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ahlam Albashir, oo kasoo jeeda Suuriya ayaa la sheegay inay falkaan ku dhaqdhaqaaqday iyadoo fulinaysa amar uga yimid  kooxda PKK ee magaalada Kobani ee dalka Suuriya.

Wasiirka arrimaha gudaha, Suleyman Soylu ayaa qaraxan ku eedeeyay kooxda Kurdiyiinta, kuwaas oo qaraxyo midkaan lamid ah horey uga geysatay Turkiga.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday tacsida Mareykanka ee ku aaddan weerarka Istanbul.