4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2022
Kumaandooska Danab oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Kismaayo
 

Isniin, November, 14, 2022 (HOL) - Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab gaar ahaan Ururka 5-aad guutada 16-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay ciidanka Kumaandooska Danab howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo dhamaantood hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegay inay howlgalka intii uu socday ay ciidamada ku burburiyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi dhaca Waqooyiga magaalada Kismaayo oo ay sheegeen iney ahayeen deegaanada Shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale sheegeen in howlgalada lagu soo saaray ilaa sagaal miino oo isugu jiray kuwa fiilada loo adeegsado iyo kuwa istaaga ah, waxaana howlgaladaani ay imaanayaan, iyadoo kooxda Shabaab bishii lasoo dhaafay dhamaadkeedii ay weerar qaraxyo ah oo uu xigay dagaal toos ah ku qaadeen hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.