4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ciidan iyo gaadiid dagaal geysay bariga gobolka Galgaduud si ay Alshabaab ula dagaalamaan
 

Isniin, November, 14, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 30 kamid ah gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee gobolka Galduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidankan u geysay halkaasi, si ay bariga gobolka Galgaduud uga xoreeyaan ururka Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa ku sugan meel aan ka fogayn deegaanka Qaayib, halkaas oo ay dhawaan ka geysteen weerar ay ku burburiyeen saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa macaawisleyda ku lahaayeen.

Alshabaab ayaa weli ku xooggan bariga gobolka Galgaduud, iyagoo dib ula wareegay deegaanno ay Wabxo kamid tahay oo dhawaan ciidamadu gudaha u galeen, kadib markii Alshabaab ay faarujiyeen.

Maalmo kahor Alshabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Burdaar oo 30km dhinaca bari uga beegan magaalada Baladweyne.

Alshabaab waxay sheegeen inay ku furteen hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Gorgor ee xoogga dalka, inkastoo dowladdu ay beenisay.