4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2022
Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay go'aamada mucaaradka
 

Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa nasiib daro ku tilmaantay go'aamada kasoo baxay axsaabta mucaaradka, iyadoo sheegtay in ay yihiin qodobo Somaliland u ekaysiinaya meel aanu sharci ka jirin.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo taliyaha booliiska oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in nabadgalyadu taamtahay, wuxuuna wasiir Kaahin wax laga xumaado ku tilmaamay go'aamada mucaaradka.

"Waxa caawa nasiib daro ah, in muwaadiniin dalkan Somaliland usoo tartamay oo dalkan raba in ay madaxweynayaal ka noqdaan, horayna ugu soo tartamay, in ay caawa sheegaan in Somaliland anay ahayn dal ay dowladi ka jirto, dalka ayna dowladi ka jirini waa dal aan madax lahayn, waa dal anuu sharci ka shaqayn " ayuu yidhi Kaahin.

Xisbiyada mucaaradka ayuu ku tilmaamay qaar aan madaxweynaha oo kali ah mucaarad ku ahayne, lakiin mucaarad ku ah Somaliland oo dhan madaama oo ay sheegeen in anay aqoonsanayn xukuumada madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in kordhinta ay guurtidu madaxweynaha u kordhisay ay xalaal tahay oo golaha guurtida uu sharcigu siinayo awooda muddo kordhinta, isaga oo sheegay in musharax Cirro xiligii uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada uu isaga oo 5 sanno la doortay uu 7 sanno kordhin ku fadhiyay.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in nabadalgalyada Somaliland ay tahay mid taama, wuxuuna balan qaaday in uu nabadgalyada shacabka sugayo.

La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasada Cali Maxamed Waran Cadde, oo isagu kamid ah gudddi dhexdhexaadin ka dhexwaday madaxweynaha iyo mucaaradka, ayaa sheegay in mucaaradku go'aamada ay ku deg degeen, oo ay hadleen xili guddida dhexdhexaadinta oo xaga madaxweynaha war ka sidaa ay xaga guriga Cirro kusii socdeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]