4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2022
6 qof oo ku dhimatay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Axad, November, 13, 2022 (HOL) - 6 qof ayaa ku dhimatay 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taalla bartamaha Istanbul, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka iyo dad goob joogayaal ah.

Warbaahinta TRT iyo wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in qaraxa aan wali la ogeyn sababta ka dambeysay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay qaraxan mid dhagar ah, wuxuuna sheegay in la ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay.

Marka laga soo tago lixda qof ee dhimatay, madaxweynaha Turkiga Erdogan waxa uu sheegay in 53 kale ay dhaawacmeen, sida uu sheegay xog uu ka helay guddoomiyaha Istanbul.

Turkiga ayaa intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2017 waxaa ka dhacay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ay geysteen Daacish iyo kooxaha Kurdiyiinta ee laga mamnuucay dalkaasi.

Shan xeer-ilaaliye ayaa loo xilsaaray inay baaraan qaraxa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu ee ay dowladdu maamusho.

Hay’adda ilaalisa warbaahinta Turkiga ayaa xayiraad ku meel gaar ah ku soo rogtay wararka ku saabsan qaraxa, tallaabadaas oo mamnuucday isticmaalka muuqaallada iyo sawirrada qaraxa.