4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Cabdi Cagweyn ee gobolka Hiiraan
 

Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii Maanta ku dhexmaray deegaanka Cabdi Cagweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo kooxda Shabaab ka sameyteen deegaankaasi oo la sheegay iney kaga soo talaabeen doomo ay ku xirteen wabiga Shabeelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaa  waxay sheegeen iney Al-shabaab kala wareegeen fariisimahii ay ka sameyteen deegaanka Cabdi Cagweyn iyo deegaano kale oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee dhanka Bari.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Cabdi Cagweyn oo ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, waxaana tirada la xaqiijiyay ay gaareysa ilaa 6 ruux oo labada dhinac ah.

Ciidamada Shabaab ayaa ee ka dagaalamaya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ayaa doomo uga soo gudba wabiga, iyagoo fariisimo waa weyn ku leh dhanka deegaanada Galbeed ee jiinka  wabiga saaran maadama deegaanada Bari iyo Galbeed uu kala baro wabiga Shabeelle.