4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2022
Dadaalo lagu dhexdhexaadinayo xukuumada iyo mucaaradka Somaliland oo socda
 

Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Guddi dhexdhexaadin ah ayaa ilaa xalay ilaa maanta ku howlan u kala dabqaadida xukuumada iyo mucaaradka Somaliland oo isku khilaafsan wakhtiga la qabanayo doorashooyinka urrurada iyo madaxweynaha.

Guddi ka kooban Maayarka Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur  iyo ganacsade Baarjeex, ayaa ku mashquulsan dhexdhexaadinta labada dhinac.

Guddida ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda xisbiga WADDANI in kasta oo aan laga soo saarin war rasmi ah, sidookale, guddida ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, kulan kaas oo aan isna wali xog cad laga helin.

Mucaaradka Somaliland ayaa horay u balan qaaday in marka la gaadho 13 November oo maanta ah ay kalsoonida kala laaban doonaan madaxweynaha Somaliland hadii aan la gaadhin heshiis loo dhanyahay.

Mucaaradka ayaa raba in doorashada madaxtooyadu soo horayso, halka xukuumada Somaliland ay dabada ka riixayso doorashada urrurada kahor doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka ayaa la rajaynayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda la is hor fadhiisiyo markale, inkasta oo ergooyin iyo wadahadalo hore dhowr mar u dhex maray labada dhinac anay guulaysan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]