4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Wada hadalladii uga socday Kenya dowladda Itoobiya iyo TPLF oo caawa lasoo gabagabeeyay
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Waxaa galinkii dambe ee maanta lasoo afmeeray Wada hadalladii Kenya uga socday dowladda Itoobiya iyo TPLF, oo socday muddo toddobaad ah.

Taliyayaasha Ciidamada ee Itoobiya iyo TPLF ayaa saxiixay waxyaabaha laga wada hadlay ee ugu dambayn lagu heshiiyay oo ay u waynayd sidii hub ka dhigis rasmi ah loogu samayn lahaa TPLF.

Waxyaabaha kale ee iyagana lagu heshiiyay maanta waxaa kamid ahaa in dhaqan celin lagu sameeyo Ciidamada TPLF ee hubka laga dhigayo, in Gargaarka la gaarsiiyo dhammaan gobolka Tigray, in la dhowro oo la ilaaliyo amniga shaqaalaha Samafalka, in Ciidamada Federalka ee Itoobiya ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan gobolka Tigray, iyo qodobo kale.

Madaxda dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa si buuxda iskula afgartay in si degdeg ah loo dhaqan geliyo heshiiskan oo maalmo qaatay saxiixiisu.

Horey waxaa dalka Koonfur Afrika lagu gaarey heshiis nabadeed oo ilaa 12 qodob ka koobnaa, kaas oo ahaa kii u horreeyay ee ay isu soo hor fadhiistaan masuuliyiinta labada dhinac oo muddo labo sano ah aan is arki karin, balse hadda hal miis soo wada fadhiistay si ay heshiis nabadeed u gaaraan.

Dalka Itoobiya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaal ay dad badani ku waxyeeloobeen, kaas oo ka socday gobolka Tigray una dhaxeeyay Ciidamada dowladda Itoobiya iyo TPLF, dagaalkaas ayaa keenay macluul daran oo ku dhacday shacabka gobolka Tigray, isagoo dagaalkaasi uu wakhtigaa ku fiday degaannada Canfarta iyo Axmaarada iyo waliba dalka Eritariya oo dhamnaantood deris la ah gobolka Tigray.

Sida qorshuhu ahaa is aragga kan xiga ayaa maalmaha soo socda la tagi doonaa gudaha gobolka Tigray.