4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo xoreeyay deegaanka Ceelbaraf

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Gaashaanle Cali Yuusuf Macalim oo ka mid ah saraakiisha hoggaaimneysay howlgalka lagula wareegay deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in Alshabaab deegaankaan uu u ahaa marrin muhiim u ah oo isaga kala gooshaan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhaxe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa wada howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab, isla markaasna looga sifeynayo goobaha ay kaga suganyihiin Galmudug iyo Hirshabeelle.

Todobaad ka hor ciidamada huwanta ah ayaa la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ahaa farriisin halbowle ah oo Alshabaab ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeellada dhexe.