4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Xisbiga WADDANI oo ka hadlay waxa ay samaynayaan maalinta berri ah
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in berri wixii ka danbeeya anay xukuumada aqoonsan doonin, oo ay go'aan koodii ka dhabayn doonaan.

Xogeeyaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in berri anay dhici doonin balaayo laga cabsado, lakiin ay balan qaad yadoodii hore ka dhabayn doonaan.

"Saacado ayaaba inaga xigoo xisbiga WADDANI waxa uu yidhaahdaa wax meel cidlo ah ku dhaca maaha, Allow yaanu waaga waraabe cunin waa la sugayaa uun, lakiin shacabka Somaliland balaayo la odhanayo, balaayadaasa idinku dhacaysa oo xisbiyadu soo wadaan ma jirto" ayuu yidhi Xogeeye Faarax.

Waxa uu sheegay in shacabka ay nolol u raadinayaan, lakiin anay rajo la'aan galinayn "Xisbiyadu shacabka Somaliland rajo nololeed ayay u raadinayaane iyaga quus nolosha kama galinayaan, markaa barina waad arki doontaa wixii soo baxa".

Xogeeyuhu waxa uu sheegay in aanu wax rajo ah ka qabin wadahadalo mar kale u furma madaxweyne Biixi iyo axsaabta mucaaradka ah, isaga oo sheegay in madaxweynuhu ergooyinkii horeba ka gows adaygay.

Maalinta berri ee 13 November, ayaa waxa dhamaanaya 5-tii sanno ee la doortay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in anay aqoonsan doonin sharcinimada xukuumada berri laga bilaabo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]