4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dilal qorsheysan oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ka geystay dilal qorsheysan degmooyinka Deyniile iyo Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa koox hubeysan waxay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Warsame oo loo yaqiinay Waran.

Marxuum Waran ayaa la sheegay in dableyda hubeysan ay rasaasta kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa, xili uu ku sugnaa xaafada Sii sii ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale degmada Dharkeenleey ayaa sidoo kale kooxo hubeysan waxay ku dileen wadaad lagau magacaabi jiray Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masjidka Dabaqeyn ee degmadaasi, iyadoona goobta aynka baxsadeen kooxdii geystasay dilka Sheekha.

Allah u naxariiste Sheekh Cabdicasiis ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen inuu Shalay khudbada Jimcaha ka jeediyay Masjidka, isagoona uga hadlay baneysiga dhiiga qofka Muslimka ah iyo Caradda Alle ee ka dhalaneysa, hayeeshee saacado kadib kooxo hubeysan ay toogteen.