4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Xilldhibaan Jacfar oo ugu baaqay shacabkii ka barakacay Wabxo inay dib ugusoo laabtaan guryahooda
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo katirsan barlamanka Soomaaliya, islamarkaana hoggaaminaya xoogagga xoreeyay deegaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud, ayaa ugu baaqay shacabka Waxbo inay gurayahooda kusoo laabatan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in kooxda Alshabaab ka hor inta aysan ka cararin deegaanka wabxo inay dadka shacabka ah ku qasbeen inay isaga baxaan oo duurka galaan, arrintaas oo keentay in deegaanka laga waayo hal qof oo jooga.

“Dadka deegaannadan degen, dad dullinimada u nugul waaye. Ummadaha kale meelo lagala dagaalamaa jira. Dad iska dhiciyaa jira oo iska kiciyay. Deegaankaan iyo guryaha tirada badan leh in yaroo ku dhex jirtaa tiri ka baxa oo duurka gala,” ayuu yidhi xildhibaan Jacfar.

Xidlhibaan Jacfar wuxuu sheegay ciidamada xoreeyay deegaankan inaysan gadaal u laaban doonin oo ay xorayndoonaan dhammaan deegaannada Alshabaab kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

In ka badan 15 sano ayay Alshabaab mamulayeen Wabxo oo ah magaalo muhiim ah oo kutaala gobolka Galgaduud.