4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay ciidamada tababarka ku qaadanaya dalka Eritrea
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliya ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka Alshabaab looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka  Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.