4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Maamulka Hirshabeelle oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaad ka taagan deegaanno hoos yimaada Cadale
 

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku diriray deegaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la'aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay nasiib darro wayn tahay in waqtigaan la joogo dad ehel uu dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanaddaas uu ka socdo howlgallo lagu ciribtirayo Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray maamulka Shabeellaha Dhexe, maamulka degmada Cadale, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma'uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in la isugu yimaado gogol nabadeed.

Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna waxa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Colaadda degmada Cadale ayaa salka ku haysa muran ka dhashay lahaanshiyaha dhul. Waxaana ku geeriyooday dad badan, kuwa kalena way ku dhaawacmeen.