4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah
 

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Alshabaab maleegayaan falal amni darro oo aargoosi ah, kadib markii sida ay sheegtay uu jab xooggan uu kasoo gaaray howlgallada ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu faray shacabka iney muujiyaan feejignaan xooggan.

Wasaaraddu waxay si gaar ah farta ugu fiiqday hoteelada iyo maqaayadaha. Waxayna mulkiliyaasha iska leh goobahaan ganacsi ugu baaqday inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa xarumahooda.

Sidoo kale waxay dowladdu shacabka ugu baaqday inay yareeyaan tegista goobaha khatartu uga imaan karto.

Warka kasoo baxay dowladda, ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay soo baxayaan xogo amni oo sheegaya in gaadiid qaraxyo ku xiran yihiin ay alshabaab la damacsan tahay meelo katirsan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo hay’adaheeda sirdoonku sii hayeen macluumaadka qaraxii Soobe, ayaa ku guul daraystay inay ka hortagto weerarkaas.

Haatan dowladdu waxay u muuqataa in ku qasbanaatay in ay xogta weerarada lasii wadaagto shacabka, si ay feejignaan dheeraad ah u galaan.