4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Maraykanka oo sheegay inuu 17 katirsan Alshabaab ku dilay duqayn ka dhacday meel 285km u jirta Muqdisho
 

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa sheegay inuu 17 ka mid ah Alshabaab ku dilay weerar duqayn ah oo ka dhacay deegaan qiyaastii 285 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, sagaalkii bishaan November.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu ahaa tallaabo looga hortagayay weeraro ay Alshabaab ku soo qaadeen ciidamada xoogga dalka.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu sii wadi doona tababarka, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay uga adkaadaan al-Shabaab.

Warbixinta laguma sheegin magaca goobta duqaynta  ka dhacday, balse labadii maalmood ee ugu dambeysay, Maraykanka ayaa duqeymo ka geystay deegaanno ka kala tirsan Shabeellada dhexe, iyo Galgaduud isagoo ku bartilmaameesaday dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Tobankii bishaan dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ku dhawaad 100 katirsan kooxda Alshabaab lagu dilay labo weerar duqayn ah oo ka dhacay Basra oo Shabeelada dhexe ah iyo Ceel gorof oo katirsan Galgaduud.