4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Wasaaradda gaashaandhigga oo sheegtay in la fashiliyay weerar Alshabaab saakay ku qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan
 

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay fashilayeen weerar gaadma ah oo ay Alshabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Afhayeenka gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Caanood SONNA ayaa sheegay in ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Alshabaab.

Gen. Caanood wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii baacsanayaan firxadka Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Dhinaca kale, warar lagu baahiyay boggaga Alshabaab ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabab ay deegaankas la wareegeen, kadib markii ay weeraro ku bilowday ismiidaamin ah ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Gorgor.

Burdaar waa deegaan 30km u jira magaalada Balaweyne, waxaana saldhig ciidan ku leh ciidamada Gorgor ee xoogga dalka.

Shabaabka soo weeraray ayaa la sheegay inay kasoo tallaabeen webiga dhiniciisa kale.