4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Faahfaahin ku saabsan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Eritrea
 

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo shalay gaaray dalka Erirea ayaa maanta kulan laleh madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki, si ay uga wada hadlaan dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaatay dalka Eritrea, kuwaas oo muddo ka aan ka yarayn saddex sano ku xanniban dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kadib safarkiisii hore ee uu ku tagay Asmara sheegay, inay dadajinayaan soo celinta ciidamadan si ay uga qeyb qaataan dib u xoraynta dalka, balse weli waxaa jira caqabado dhinaca dhaqaalaha ah oo hortaagan in ciidamadan dalka lagusoo celiyo.

Wakaaladda wararka dalka Eritrea ayaa qortay in madaxweyne Asaias Afwerki uu casuumaad u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, si uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Asmara ku sugnaan doona muddo afar maalmood ah ayaa sidoo kale booqanaya xeryaha ay ku jiraan ciidamada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu kala hadlo sidii ay isugu diyaarin lahaayeen in dalka dib loogu celiyo.

Dhinaca kale, Xogo HOL ay heshay waxay sheegaan in madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud booqashooyinkii uu ku marayay dalalka qaar uu ka helay ballanqaadyo ku aadan in laga caawiyo dib usoo celinta iyo  qalabaynta ciidamada ku sugan Erirea.