4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay 100 dhallinyaro ah oo qorsheynayay inay ku biiraan Al-shabaab

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay fashilisay qorshe Al-Shabaab ay ku doonayso in ay Itoobiya uga dhigaan goob argagixiso.

Sida uu sheegay Abebe Semagn, oo ah sarkaal katirsan Itoobiya, in ka badan 100 dhallinyaro ah oo sku dayay inay dalkaas ka dhoofaan, kuna biiraan Al-shabaab ayaa ciidanka Itoobiya xabsiga u taxaabeen.

Al-Shabaab oo marar badan isku dayay in ay Itoobiya ka dhigaan goob ay ku sugan yihiin.

Bishii july ee sannadkan, ciidamada Itoobiya ayaa fashiliyay weeraro Alshabaab kusoo qaadeen deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo dagaallo maalmo ka socday Alshabaab looga dilay boqolaal dagaalame.

Arrintaas ayaa keentay inay ciidamo Itoobiya ah gudaha usoo galaan gobolada Bakool iyo Gedo, si ay uga hortagaan isku day weeraro kale oo Alshabaab  ku qaadaan dalkaas.