4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 10, 2022
Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay baaqii beesha caalamka
 

Khamiis, November, 10, 2022 (HOL) -Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa soo dhaweeyay baaqii beesha caalamka ee ku aadanaa doorashooyinka Somaliland, wuxuuna sheegay in 13 November marka la gaadho hadii aan heshiis la gaadhin anay xukuumada aqoonsan doonin.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa soo dhaweeyay baaqa beesha caalamka, isaga oo madaxweynaha Somaliland-na usoo jeediyay in uu doorashada madaxweynaha ku qabto wakhtigii farsamo ee gudida doorashooyinku soo jeedisay.

"Baaqay soo saareen waanu la qabnaa, waana nu soo dhawaynaynaa, waa sidaa ay sheegeene madaxweynaha waxaanu leenahay doorasho madaxweyne oo laysla ogolyahay oo ku fadhida wakhtiguu uu koomiishanku soo saaray in aad qabataanu kaa rabnaa" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha wakhtigiisii dhamaanayo, isla markaana waxa uu ku hanjabay in mucaaradku anay xukuumada aqoonsan doonin wixii ka danbeeyay 13 November, oo ay ku egtay 5-tii sanno ee la doortay madaxweyne Biixi.

"Waxaanu leenahay madaxweynaha 13 November wakhtigaagii wuu dhamaaday, cidna sharci daro madaxweyne kuma sheegan karto, mawqif kayagii aanu hore u sheegnay labada xisbi halkii ayuu taganyahay, 13 bisha wixii ka danbeeya dad siman ayaynu nahay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in cadow shisheeye oo Somaliland leedahay uu ka faa'iidaysanyo khilaafka, oo uu rabo in uu Somaliland burburiyo, madaama oo madaxda Somaliland ay is khilaafsantahay, wuxuuna intaa ku daray in Somaliland hore iga dagaalantahay hogaamiye fikradiisa dadka ku jujuuba.

Faysal waxa uu u mahadceliyay shacabkii soo dhaweeyay madaxda xisbiga WADDANI ee gobolada bariga safarada ku marayay, waxaanu sheegay in taageerada loo muujiyay ay tusinayso in xukuumadu anay kalsoonida shacabka haysan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]