4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 10, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay boqollaal maxbuus
 

Khamiis, November, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u diyay 594 maxbuus oo ah maxaabiista danbiyada fudud galay si looga taxadaro in xumada Dangi ay jeelasha ku fido.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, Iyadoo laga duulayo faya dhawrka caafimaad ee Maxaabiista, si aanay u saamayn xumaddu".

Cafiska ayaa lagu sheegay in aanu wax  saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka cafiskani wuxu fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

Xumada Dangi oo ay faafiso kaneecadu, ayaa faro ba'an ku haysa shacabka Somaliland, dad badan ayaa ku naf waayay ximadan, waxaana jira kumanaan kale oo isbitaalada iyo guryaha u jiifa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa badana cafisyada noocan ah bixiya xiliyada munaasibada ciidaha, xusaska maalmaha taariikhiga ah iyo xiliyada ay cuduradu dilaacaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]