4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 10, 2022
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Haka waan toobaan dadka tashuushka ku furaya howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Soomaaliya
 

Khamiis, November, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo Waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka waramay xaalado dhawr ah oo ay kamid tahay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda meelo badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu ugu horreyn bogaadiyay sida Shacabka gobolka Hiiraan ay isugu xil qaameen inay u midoobaan sidii ay meel uga soo wada jeedsan lahaayeen ladagaalanka kooxda Al Shabaab, iyagoo gacan ka helaya dhinaca Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in dowlad degaanka Soomaalidu ay ka go'an tahay sidii loo soo afjari lahaa kooxda Al Shabaab oo uu sheegay in dhibaatooyin badan ay Soomaalida u gaysteen " Kooxda Al Shabaab waa koox Soomaalida halaag iyo dhibaato badan u gaystay, waxaana naga go'an inaan gudano kaalinta nagu aadan ee lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab", ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu xusay inay xukuumaddiisu iyo shacabka degaanka Soomaalida ay mar walba hiil iyo hooba la garab taagan yihiin shacabka gobolka Hiiraan ee howlgalka kula jira kooxda Al Shabaab, oo uu sheegay in labada shacab waa degaanka Soomaalida iyo gobolka Hiiraan inay yihiin dad wlaalo ah oo howlo badan iska caawin kara.

Dhinaca kale Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu si gaar ah uga hadlay dad uu ku sheegay inay siyaabo kala duwan uga hadlayaan howlgallada ka soconaya meelo badan oo Soomaaliya ah gaar ahaan gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab isagoo yiri " Dadka sida kale uga hadlay kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan ee lagaga soo horjeedo Al Shabaab dadkaasi way khaldan yihiin, Muddo aad u dheer dadkan dadka qarxinayay haddii cid u dhaqaaqda la waayay, maanta markii dadku dhaqaaqeen in waxyaabo kale la yiraahdo oo khalkhal iyo doodo kale ay keenaan dad iyagu wakhti haya oo meelahaa fadhi ku dirirka fadhiya khalad ayaan u arkaa".

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynuhu waxa uu sheegay in howl kasta oo lagalo ay dhibaato ka imaan karto, sidaasi si lamid ahna howlgalladana wixii dhibaato ah ee hadhow ka timaadda xalkeed loo wada joogi doono, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe cafjar.

"Codka midaysan ee Soomaaliyeed ee ah in Al Shabaab meel la iska saaro, cidda tashuushka ku furaysa iyo khalkhalka haka waan toobaan" ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa kusoo hagaagaya xilli howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ay ka socdaan gobollo badan oo Soomaaliya kamid ah, kuwaas oo ay isku xilqaameen shacabka ku dhaqan gobolladaas, taas oo dadka qaarkii ay siyaabo badan uga hadleen.