4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 10, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo u safray dalka Eritrea
 

Khamiis, November, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya, halkaas oo ay ku sugan yihiin kumanaan askari oo tababar ku qaadanayay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dhigiisa dalka Ereteriya Asias Afwerki la yeelan doono wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal.

Waa safarkii labaad oo madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagayo dalka Eritrea, wuxuuna kusoo aaday xilli dowladda federalka Soomaaliya ay ku jirto dagaal dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa uu horey u sheegay in si degdeg ah lagusoo celin doono ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea, si ay uga qeyb qaataan in Shabaab dalka laga xoreeyo.

Dhawaan sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu ku howlan yahay sidii uu u heli lahaa dhaqaalaha lagusoo daabulayo ciidamadan.