4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 10, 2022
Al-Shabaab oo billaabay inay ballaarinayaan dakhligooda, kadib culayska kaga yimid howlgallada ka socda gobolada dhexe
 

Khamiis, November, 10, 2022 (HOL) - Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ay kordhisay dakhligeeda qaadista canshuuraha guryaha iyo dhismayaasha.

Warbixin cusub oo la shaaciyay bishan ayay khubarada Qaramada Midoobay ku sheegeen in kooxda Alshabaab ay raadinayso lacag dheeraad ah si ay u siiso dagaalyahanadeeda lacag dhan hal milyan oo doolar bishiiba.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in inkasta oo dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo rogtay akoono Alshabaab ku lahaayeen bangiyada maxaliga ah, haddana kooxdu ay weli awooddo in ay lacagaha u xawilaan bangiyada maxaliga ah iyo kuwa dibadda.

Haweeney Soomaaliyeed oo magaceeda sababo amni u diiday in la soo xigto ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay ka dalbadeen in ay bixiso lacag dhan $425 oo loogu magac daray canshuurta guri ay Muqdisho ka iibsatay ku dhawaad saddex sano ka hor.

Cabdisalam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee sirdoonka Soomaaliya, isla markaana ah aasaasihii shirkadda amniga ee Eagle Range Services, ayaa sheegay in jarista dhaqaalaha Al-Shabaab ay fure u tahay in lagu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxda.

Waxa uu sheegay in aan shaki ku jirin in kooxdan ay ka helaan dhaqaale xooggan oo kasoo gala canshuuraha ay ku leeyihiin caasimadda iyo dekedda, loona baahan yahay in dowladdu ay qorsheyso wax ka qabashadooda.

Guuleed ayaa sheegay in dowladdu ay u baahan tahay kalsoonida shacabka, sababtoo ah wuxuu sheegay inay dadku ogyihiin halka Al-shabaab ay dhaqaalaha ka soo galaan iyo shirkadaha taageera kooxda.