4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Wasiir Koore: Madaxda Soomaaliya haday cid la talinayaan waxay bad baadin lahaayen shacabka
 

Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ka jawaabaysa baaqii Guddida Wadatashiga Qaranka Soomaaliya ee ahaa in Somaliland nabada ilaashato, ayaa sheegtay in Somaliland anay Soomaaliya talo uga baahnayn.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya hadii ay awood leedahay oo ay talinayso ay shacabkeeda ka bad baadin lahayd qaraxyada.

"Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa riyo haday dub leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen, haday cid la talinayaan oo wax yihiin, waxay bad baadin lahaayeen shacabka, sida ayaxa u dhimanaya, sida kaneecada la buufiyay, shacabka hortooda ku dhimanaya" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in shacabka maalinkasta ku dhimanaya qaraxyadu ay xukuumada Soomaaliya uga baahanyihiin talo, lakiin anay Somaliland wax talo ah uga baahnayn.

"200 ee qof ee kolba guri hoostii laga sooqaadayo iyo 700 ee qof ee dhaawaca la taahaya ayaa talo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna, kuwa talada uga baahan ee hoos jooga waa kuwa tawaawacaya ee marba 250 ka la waayayo saacad gudaheed" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in Somaliland qaan gaadhtahay, oo ay ku dhisantahay isku tashiga shacabka, isla markaana  anay jirin cid wax ku darsatay oo wax u sheeganaysa mudada ay jirtay, wuxuu intaa ku daray in Somaliland taqaano sida ay arrimaheeda u maamulanayso.

Waxa uu kula taliyay dowlada Soomaaliya in anay wakhti iskaga lumin arrimaha Somaliland ee ay arrimahooda muhiimada saaraan, waxuuna sheegay in xukuumada Somaliland tahay xukuumad cod shacab ku timid, oo hal qof iyo hal cod lagu doortay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]