4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday gargaar caalami ah kadib qaraxyadii lagu hoobtay ee galaaftay nolosha in ka badan 100 qof
 

Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray codsi deg deg ah oo ku aaddan gargaar caalami ah oo loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii gawaari ee lagu weeraray aagga isgoyska Soobbe.

Weerarkan oo dhacay Sabtidii 29-kii Oktoobar, ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 300 oo qof, waxaana uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca muddo shan sano ah.

“Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka, walaalaha Soomaaliyeed iyo walaalaha kale ee Muslimiinta ah ama saaxiibada kale inay dhakhaatiir u soo diraan Soomaaliya si ay u caawiyaan isbitaallada lagu daweynayo dadka dhaawaca ah,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri hadal uu soo saaray.

Ma daabuli karno tiradan dhaawacyada ah... cid kasta oo noo soo diri karta (caawin) waxaan codsaneynaa in ay na soo diraan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dawladda ka caawiso daweynta dadka dhaawaca ah iyo bixinta daryeelka dhaawacyada.

Illaa iyo hadda lama oga hal dowlad oo kasoo jawaabtay codsiga dowladda Soomaaliya, inkastoo dowladdu sheegtay inay dibadda u qaadayso dhaawacyada xaaladdoodu liidato.