
newsinsideWarqad ay si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayay dowladda ku sheegtay in aysan awoodin in ay ka qeybgasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta IMF muddada loo qabtay.
"Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ka caawiso Soomaaliya." ayaa lagu sheegay waraaqda.
Muddo bilooyin ah, dowladda federaalka ayaa ka aamusneyd arrintan, waxayna cosdiga muddo kordhinta IMF dowlada Soomaaliya ka codsatay ka dhigantahay ineysan dowladu ka soo bixin xilligii loogu talagalay inay uga qeyb qaadato dib u eegista.
Kaalmo Saddex sano soconeysa, gaareysana ku dhawaad $400-milyan (380-milyan Euro) oo hay’adda IMF ugu talogashay inay ku taageerto barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa si automatic ah meesha uga bixi kara, haddii aan la dhameystirin hanaanka dib u eegista maaliyadda Soomaaliya, ayaa yiraahdeen khuburo dhanka maaliyadda ah oo HOL la hadlay.
Dib u dhacani ayaa la leeyahay wuxuu keeni karaa inuu halis galo barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya iyo kaalmooyinka kale ee mashaariicda horumarinta iyo kabka misaaniyadda Soomaaliya. Lama oga inay IMF oggolaan doonto iyo in kale, hayeeshee mudada loo qabtay Soomaaliya ayaa waxay sabab u ahayd dedejinta guddiga doorashada oo shalay ku dhawaaqay in 15-ka bishaan May la qabto doorashada Madaxweynaha.