4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergayga Arrimaha Abaaraha Soomaaliya oo codsaday gurmad deg deg ah
 

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo Maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay si weyn u saameysay abaarta Soomaaliya ka jirta.

Wuxuu sheegay in xaalad quus ah ay ku sugan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo barakacayaal ah, islamarkaana ay xaaladooda sii xumaaneyso marba marka ka dambeysa, isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo iney helaan dadkaasi kaalmada bini'aadaninimo ay u baahan yihiin si ay u noolaadaan.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Baydhabo gaaray iyadoo uu ila socdo Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur si aan u muujino sida ay xaaladdu u liidato - iyadoo khatarta  loogu jiro macluusha ay sii kordhayso, Qaramada Midoobay iyo hay'adaha la shaqeeya waxa ay bixinayaan dadaal xooggan, waxaa loo baahan yahay dhaqaale badan si looga hortago in xaaladdu ka sii darto” ayuu yiri ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Adam Abdelmoula.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula, waxaa safarkiisa ku wehlinaayay Ergayga gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana safarkoodu ku qotomay u kuur galidda xaaladaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoona kormeer iyo indha indheyn ku tagay, xeryo barakacayaal dagan yihiin oo ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Magaalada Baydhabo waxay ka mid tahay magaalooyinka ay buux dhaafiyeen dadka kusoo xoolo beelay abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergayga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaaraha soo noqnoqday ay saameysay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online