4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo
 

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaraha Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacaayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweynta kadib waxay si wadajir ah xariga uga jareen dhismaha madaxtooyada magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib u heshiisinta bulshada Soomaaliyeed, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aadan dhab u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha jamhuuriyadda Fedaraalka ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxuu u kuur galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

“Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya booqashada uu Maanta ku tagay magaalada Baydhabo, isagoona balan qaaday inuu si dhaw ugala shaqeyn doono madaxweynaha Soomaaliya hirgalinta barnaamijka Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Safarka madaxweyne Xasan uu Maanta ku tagay Baydhabo ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay 15-kii bishaan May 2022, waxaana uu sheegay madaxweyne Xasan inuu safaro ku kala tagi doono dhamaan xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online