4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Mucaaradka Somaliland: Mudaharaadku wuu dhacayaaye ku biyo caba
 

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan mudaharaad xili ciidanka booliiska heegan buuxa la galiyay.

Masuuliyiin ka tirsan axsaabta mucaaradka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay guddi u saareen qaban qaabada mudaharaadyo ay balan qaaden in ay qabanayaan, xili ay xukuumada isku afgaran waayeen nidaamka loo maamulayo mudaharaadka.

"Arrinkaa mudaharaadku wuu socdaa wuu dhacaya ku biyo caba, guddidi qaban qaabada ayaa gacanta ku haysa, ku biyo caba, sifo sharci ahna waanu u marayna" Xogeeyaha Guud ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse, ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.

Xukuumada Kulmiye ayuu ku eedeeyay sharci jabin, isaga oo sheegay in sharcigu xiil uga baahanyahay shacbiga Somaliland, waxa kale oo uu shacbiga ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashada madaxtooyada.

"Waxa is haysta sharcigii Somaliland iyo xisbiga Kulmiye, kaasina wuxuu inooga baahanyahay hiil ... waxaan leeyahay shacbiga Somaliland aan u diyaar garowno doorasho, xisbiga Kulmiye 10 sannadood oo uu shacbigan ragaadiyay ayuu haystay" ayuu yidhi Kayse.

Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii mucaaradka iyo xukuumadu isku afgaran waayeen, sida loo maamulayo mudaharaadyada ay mucaaradku ku baaqeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online